R/wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka

0

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kuwaasi oo xaqiijin doono qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee ka mid noqonaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri:-

“Si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka  ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.”