Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

9

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed  Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafay dalkaTurkiga.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaradda ee Muqdisho ku dhaweeyey wasiiro iyo Xildbibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed  Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa intaas kadib waxa uu qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay qaar kamid ah wasiirrdii iyo xildhibaanadii kusoo dhaweeyey garoonka.