Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

5

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ugu hambalyeeyay guushii uu Xisbigiisa ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu siweyn Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ugu boggaadiyay dib ugu soo noqoshada xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, soona dhaweeyay guushii uu gaaray.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliy ay sii wadi doonto inay dowladda Itoobiya kala shaqeyso xoojinta xiriirka labada dal, isagoona Abiy Axmed u rajeeyay guul.

“Waxaan si diiran kuugu bogaadinayaa Dib-u-soo-noqoshada Awooda Xilli-hawleedka xooggan ee kaaga timid dadka Reer Itoobiya. Somalia waxay sii wadi doontaa inay Dowladaada kala shaqeeyaan xoojinta Xiriiradeena laba geesoodka, si ay uga macaashaan labadeena dad iyo Gobalka ballaaran, waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mr. Ra’iisul-wasaare” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir dhow la leh Ra’iisl Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas.