Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxii ka dhacay maanta Muqdisho.

2

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari, kaas oo lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas sida uu sheegay talsika booliska Soomaaliya.

Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya  ayaa goobta qaraxu ka dhacay gaaray  iyo kuwa caafimaadka oo iyagana goobta ka qaaday dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas.

Magaallada Muqdisho ayaa  meesha ugu badan ay ka dhacaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo kuwa loo adeegsado gawaarida, kuwaas oo lala beegsado bartilmaameedyo kala duwan.

Qaraxyadaas ayaa waxay sababeen inay dad badan ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan iyadoo wadooyinka magaallada Muqdisho yihiin kuwa iska wada xiran oo xitaa mar marka qaarkood xaafadaha Muqdisho la waayo meel la marsiiyo meydka.