Al-shabaab oo gubay gaadiid dhuxul u soo waday Muqdisho.

9

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad saddex gaari oo nooca dhuxusha qaada ah lagu gubay deegaan hoos taga degamadaas.

Baabuurtan ayaa waxaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka degmada Walaweyn waxaana sidoo kale halkaas lagu gubay labo mooto oo iyagana wadadaas maraayey sida uu KNN u sheegay qof goobjooge ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay iney baabuurtan ay gubeen kadib markii ay jidka u galeen gaadiidkan dhuxusha usoo waday magaallada Muqdisho.

Wadadaas ayaa malmahan waxaa laga muujinaayay xaalad amni daro taas oo ay dadka shacabka ah iyo gaadiidleyda adeegsada wadadaas cabsi ka muujiyeen, maalin kahor ayaa sidan oo kale la gubay  gaari siday dhuxul kaas oo usoo socday Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr mar waxa ay gubeen baabuur magaallada Muqdisho usoo waday dhuxul.