Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa dowladda Turkiga ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiso dhammaan hawlgallada cirka ee uu ku eedeeyay inay ka dhan yihiin dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Laftagareen ayaa lagu sheegay in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkish Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ay waxyeello ka geysteen deegaannada Bay iyo Bakool, gaar ahaan magaalooyinka Wajid iyo Baydhabo.
Laftagareen ayaa ku dooday in hawlgalladaasi aysan ku koobnayn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, balse uu ku tilmaamay olole lagu beegsanayo dadka rayidka ah iyo deegaannada ay ku nool yihiin, kaas oo uu ku xiray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday weerarkii la sheegay in la isku dayay in lagu khaarijiyo Jeneraal Shub ee ka dhacay Doolow, isagoo ku tilmaamay dhacdadaas mid qayb ka ah xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu dhaliilay xiriirka dowladda federaalka iyo Turkiga, iyadoo lagu eedeeyay in heshiisyada labada dhinac ay la xiriiraan kheyraadka kalluumeysiga, shidaalka iyo gaaska Soomaaliya.
Laftagareen ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay inay dano gaar ah ka leedahay kheyraadka dalka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka horyimaadaan waxa uu ku tilmaamay faragelin shisheeye iyo boobka kheyraadka qaranka.











