RW Rooble sheegay in doorashooyinka ka dhici doonaa Garbahaaray iyo Kismaayo uu mas’uul ka yahay Axmed Madoobe

3

Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo maanta soo gebagabeeyay safarkiisii Kismaayo ayaa sheegay in safarkiisa Kismaayo uga bilowday uu ku soo geba gabeyn doono Boosaaso, isagoo u kuur galaya goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa waxa uu sheegay in magaalooyinka kala ah Baydhabo, Jowhar, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Garoowe, iyo Boosaaso.

Safaradaas ayuu ra’iisulwasaare Rooble ku sheegay inuu yahay mid uu ugu kuur galaayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo dadka shaqada ku leh arrimaha doorashooyinka iyo sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa laamaha amniga ee ka shaqeynaya arinta doorashada.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay mas’uul ka tahay labada degmo ee Garbahaaray iyo Kismaayo doorashooyinka ka dhacaya labadaas goobood uuna kula xisaabtami doono madaxda dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana maanta gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana uu kulamo la qaadan doonaa inta uu magaalada joogo madaxda iyo odayaasha dhaqanka isaga oo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka maadama doorashada halkaas ka dhici doonta ay si toos ah u hoos tageyso madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe.

Tan iyo markii la soo saaray jadwalka cusub ee arrimaha doorashooyinka waxa uu ra’iisulwasaare Rooble kulamo kala duwan la qaadanaayey saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo hada uu qaarkood kula kulmi doono magaalooyinka uu tagi doono.