Taliye Xijaar oo xalay Kismaayo kulan kula qaatay saraakiisha booliska Jubbaland

1

Taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliya  Janaraal Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa xalay kulan  looga hadlay amniga la qaatay saraakiisha booliska eek u sugan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa waxaa Ka qeyb aHaa wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaanno, qaar katirsan labada gole ee maamulka Jubbaland, Saraakiil iyo qeybaha Kaladuwan Ee bulshada Jubbaland.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qeyb ka aha wafti uu hoggaaminaayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka U ah maamulka Jubbaland.

Tan iyo markii Uu Kismaayo Gaarayay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Waxa Uu La kulmayay Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland Kuwaas Oo U Diyaar garoowaya in ay sugaan Doorashada Lafilayo inay Ka Dhacdo magaalada Kismaayo.