Wasiir Fiqi oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalgelisay ololihii doorashada Madaxweyne Cirro ee 2024

8

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kharash ku bixisay ololihii doorashada Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, sannadkii 2024, kaddib markii uu sheegay inuu diyaar u yahay in laga wada hadlo midnimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in taageerada dowladda Soomaaliya ee Cirro ay ku salaysnayd hadallo uu si sir ah ugu sheegay intii uu ku jiray ololaha doorashada, kuwaas oo uu ku muujinayay inuu diyaar u yahay wada-hadal ku saabsan midnimada iyo in labada dhinac ay ka wada xaajoodaan shuruudo cusub.

“Cirro halkan ayaa laga taageeray, halkan ayaa laga maalgeliyay, waxaana loo taageeray inuu yidhi ragii hore waan ka macquulsanahay, midnimadii ayaan oggolahay inaan ka wada hadalno, shuruudo cusubna waan oggolahay inaan wada dejisanno. Kharashka ugu badan dowlada Soomaaliya ayaa bixisay,” ayuu yidhi Fiqi.

Wasiirka ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Cirro, kaddib markii uu ku guulaystay doorashada, uu xiriir la yeeshay Israa’iil, isaga oo dhaleeceyay xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayso Israa’iil iyo taageerada ay ka raadinayso hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xidhiidha tacaddiyadii ay dowladdii milatariga ahayd ka gaysatay Somaliland, isaga oo sheegay inaan la iska indho tiri karin dhibaatadii dhacday, balse uu ku dooday in aanay masuuliyiinta hadda hoggaaminaya Soomaaliya ayna ka mid ahayn dowladdii milatariga ahayd.

“Lama aasi karo dhibaatadii dhacday ee dowladdii milatariga ahayd dalka ka gaysatay, laakiin dowladda milatariga ah yaan ka mid ahayn. Cirro, Muuse Biixi iyo Maxamed Ibraahim Cigaal baa ka mid ahaa, laakiin aniga, Xasan Sheekh iyo Xamse midkeenna kama mid ahayn,” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aanu qaadi karin masuuliyadda falalkii ay gaysatay xukuumaddii Milateriga ee uu sheegay in aanu ka tirsanaan jirin, hase yeeshee uu diyaar u yahay in laga wada hadlo dhibaatadii taariikhiga ahayd ee dhacday.

Fiqi ayaa sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo ka dhiman heshiisyadii iyo wada-hadalladii la xidhiidhay midnimadii 1960-kii, ay tahay in arrimahaas miiska la soo saaro, si dhinacyadu uga wada hadlaan tabashooyinka jira, isla markaana ay uga heshiiyaan sida loo qaybsanayo awoodda iyo arrimaha kale ee la isku hayo.

Hadallada Fiqi ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan xidhiidhka Somaliland la yeelatay Israa’iil iyo mustaqbalka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.