Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo oo loo diiday in uu ka dago Kismaayo.

1

Cabdi Cali Raage, lataliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo diiday in uu ka dago garoonka diyaaraha magaaladda Kismaayo sida saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland u sheegeen Mustaqbal Media.

Raage, oo u taagan mid ka mid ah kuraas golaha shacabka ee taalla magaaladda Kismaayo ayaa maanta diyaarad ka raacay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho isaga oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo balse saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa ku wargaliyay diyaaradii siday Raagge in aysan ka soo daji Karin magaaladda Kismaayo taasi waxa ay keentay in diyaaradu dib ugu soo laabato magaaladda Muqdisho.

11April 2019, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa shaqada ka cayriyay Cabdi Cali Raage oo ahaa la taliyihiisa arrimaha siyaasadda, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay uu la shaqaynayay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo.

Madaxweyne Farnaajo ayaa 30 July 2020, u magacaabay Cabdi Cali Raagge lataliyihiisa arrimaha doorashooyinka waxa uuna kulamo badan oo dhanka doorashooyinka ah oo dhexmaray madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada uu ku matalay Villa Soomaaliya.

Mustaqbal Media, ayaa sidoo kale fahamsan in Wasiirka 1aad ee xukumadda Maxamed Xuseen Rooble markii uu magacaabaayay guddiga fududeynta doorashada ee xafiiskiisa uu iska diiday Cabdi Cali Raagge sababo la xariira ka dheeraanshaha wax kasta oo abuuri kara shaki, maadaama uu hoggaaminayo howlaha doorashooyinka dalka.

Cabdi Cali Raagge, ayaa Dawlada Faderaalka Soomaaliya aad ula shaqeeyay xilligii ay dadaal ugu jirtay in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo ku guulaystay codayn ka dhacday Kismaayo bartamihii 2019.