Booliska oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geysanayay degmada Kaaraan

5

Ciidamada booliska degmada Kaaran ayaa baaritaan ay ka sameeyeen Xaafada Jamhuuriya ee degmadaasi waxaa ay ku soo qabteen laba nin oo la sheegay inay ahaayeen burcad hubeysan.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa ay sheegeen in burcada ay soo qabteen dhac u geysanaayeen shacabka ku nool Degmada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xaday Magalada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe.

Burcada gacanta lagu soo dhigay ayaa watay Mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah, waxaana dadka Shacabka ah ay ka dhacayeen Mobeelada xiliga habeenkii ah.

“Maamulka Degmada kaaraan Iyo Taliska Booliska Degmada oo Iskaashanaaya Ayaa Xalay Howl galo ka sameyay Xaafadaha Degmada kaaraan waxayna Waaxda Jamhuriyo kusoo qabteen Burcad Hubeysan oo Dhac ugeysanaayen Bulshada Degmada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xaday Jowhar, Waxaan Ka Codsaheenaa Bulshada Degmada kaaraan In ay Nala shaqeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan.