Puntland oo dil toogasho ku xukuntay xubno ka tirsan Al-shabaab

1

Maxkamadda Ciidamada Puntland ee Gobollada Mudug iyo Togdheer, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 xubnood, oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Raggan ayaa lagu eedeyay in ay dilal ka geysteen gobolka Mudug, iyadoona maxkamadeyntooda ay ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in 8-da xukmane ay ku caddaatay in ay yihiin shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab, kuwaas oo dilal madax-jebin ah iyo qaraxyo ka geysan jiray Gaalkacyo, gaar ahaanna dhinaca Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii Puntland dil toogasho ah ay ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.