Maxay ka wadahadleen Kheyre iyo guddoonka doorashooyinka dalka?.

5

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxaa uu la kulmay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo qaar ka mid ah guddiga.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wadahadleen qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.

“Waxaan maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno kale oo katirsan Guddiga. Waxaan Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadalnay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.
Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi” ayuu yiri R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.