Madaxweynihii Haiti oo lagu dhex dilay gurigiisa

7

Madaxweynihii waddanka Haiti Jovenel Moïse ayaa waxaa lagu dhex dilay gurigiisa, waxaa sidaas goordhow war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph.

Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen.

Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

Joesph ayaa cambaareeyey wax uu ugu yeeray “ficil naceyb ah, ka baxsan bani’aadannimada, islamarkaana ah xaasidnimo,” wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka.

Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.