R/wasaare Rooble oo maanta booqday dekadda Kismaayo

10

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta booqday dekadda Kismaayo, isagoo soo kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.

Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminayo wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doono madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale diiradda saari doona dib heshiisiinta Gedo