Siciid Deni oo olole doorasho ka bilaabay Kismaayo.

10

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaaladda Xeebta leh ee Kismaayo ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo odoyaashada dhaqanka iyada oo lagu wado in uu dhawaan ku dhawaaqo in uu yahay musharax madaxweyne Soomaaliya ee 2021.

Siciid Deni, oo ay xulufo yihiin Axmed Madoobe, ayaa madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socda ururada haweenka Jubbaland, waxa uuna kala hadlay dadaalka uu ugu jiro in uu isku sharaxo madaxweynaha Soomaaliya ee 4 sano ee soo socota.

Qoraal kooban oo ay baahisay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Siciid Cabdullaahi  Deni uu “kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Kismaayo”.

Sida uu Mustaqbal u sheegay sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland, Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa dabayaaqada Juley 2021, inkastoo aan si rasmi ah maamulkiisu u shaacin qorshahaan.

Saciid C/llaahi Deni, oo ka mid ahaa musharixiintii u tartantay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee 2017, ayaa wareegii 1aad helay 18 cod, waxa uuna ka midyahay madaxda si adag uga soo horjeeda nidaamka maamul ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qorshaha Siciid Deni, ayaa ka caraysiin karaqaar mid ah musharixiinta mucaaradka ah ee rajada ka qabay codadka 48 mudane ee lagu soo dooranayo Boosaaso iyo Garowe.

“Waa cadahay Madaxweynaha musharaxnimadiisa waa ku dhawaaqayaa ilaa dhamaadka bishaan, waxaana socday mudooyinkii dambe wada tashiyo arintaasi ku saabsan, waxaana ka shaqaynaya gadista qorshaha Deni, Senetor Faroole oo markii hore kaalin ku lahaa in uu ku guulaysto madaxweynaha Puntland maadaama ay waqti dheer Saaxiib siyaasadeed ahaayeen” .