Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Dadban oo la doortay

2

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa markale loo doortay Maxamed Xasan Ciro , kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan Ciro ayaa wareegii ugu dambeeyay helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Dooroshada oo ahayd mid aad u xasaasi aheyd ayaa waxaa ku tartamay shan musharax iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Xasan Cirro iyo Liibaan Maxamed Xasan.

Gudiga ayaa ka koobn 25 mudane waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah iyagoo 24 ta kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen ayna codeeyeen.

Guddoomiyaha doorashada ku guuleystay Maxamed Xasan cirro ayaa horay u ahaa guddoomiyihii guddigii lagu murunsanaa ee doorashoyinka dalka, waxaana lagu wadaa in si toos ah maalmaha soo socdo loo guda galo arrimaha doorashoyinka dalka.