Gen. Xuud: “Xal aan xabad ahayn kuma wajaheyno Hir-Shabeelle”.

19

Gen. Abuukar Warsame Xuud oo wareysi gaar ah siiyay Mustaqbal ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan, waxyaabaha dhaliyay xiisadda taagan iyo arrimo kale.

Xuud waxa uu sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii looga baxay ballan lala galay oo ahayn in aanay Baladweyne lagu qaban Karin kulamada lagu taageerayo DG Hir-Shabeelle ee uu diidan yahay waa sida uu hadalka u dhigay.

Xuud ayaa khasaaraha kasoo gaaray dhankiisa ku sheegay “Labo kamid ah askartiisa oo dhaawac ah” waxa uu ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa xoogga ku eedeeyay in ay ka qaybgaleen dagaalka.

“Dagaalka waxaa dhaliyay Hir-Shabeelle oo dhowr & toban Wasiir gelisay Magaalada si shir ay u qabsadaan, waxa ay ka baxeen heshiis ay nala galeen oo ahaa in aan kulan ama mas’uuliyiin kale imaan karin” ayuu yiri Gen. Xuud.

Gen. Abuukar Xuud waxa uu dhanka kale ku goodiyay in ay xirayaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne sababta ayuu ku sheegay in madaxda Hir-Shabeelle joogto uga soo degaan.

“Todobo bil ayaan wanaag & nabad raadineynay, dhinac waliba waa nalaga soo galay, waxa ay u muuqaataa in nala qasbayo balse ma aqbali doono, xal aan xabad ahayn kuma wajaheyno Hir-Shabeelle” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Magaalada Baladweyne waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay iska hor imaadkii ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako, dhanka kale waxaa socota waan-waan ay ku howlan yihiin Odoyaasha dhaqanka balse illaa haatan kama aanay hadlin DG Hir-Shabeelle.