R/wasaare Rooble oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda UNICEF

1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday qaramada midoobey ee Soomaaliya.

R/wasaare Rooble ayaa qaabilay u qeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya Mohamed Ag Ayoya, isagoona Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyay howlaha UNICEF ee Soomaaliya iyo qorsheyaasheeda mustaqbalka.

Dhinacyada ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadnimada, iyo siddii loo xoojin lahaa taageerada ay UNICEF siiso Soomaaliya