Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada dhexe

6

Ciidamada sida gaar ah u tababaray ee kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka shabeellada dhexe ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gpbolka shabellada dhexe.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Suubiye, kaasi oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage Taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka Howlgalka qorsheysan uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab.