Kulanka Golaha wasiirada Hirshabeelle oo looga hadlay diyaar garowga doorashooyinka

3

Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirada ee maamulkaasi, kaasi oo maanta ka qabsoomay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulankaan Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka qeybgalay oo warbixinta xaaladaha Gobolka looga dhageystay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

  1. Arrimaha Amniga iyo xasilinta nabadgelyada Deegaanada Hirshabeelle.
  2. Mashaariicyada Horumarineed ee ka socda Hirshabeelle sida ka hortaga fatahaadaha iyo Mashaariicyada kale ee soo socda sidii loo maareyn lahaa oo qorshe mideysan looga yeelan lahaa.
  3. Siyaasadda guud ee Hirshabeelle iyo diyaar garoowga Arrimaha Doorashooyinka ee fooda nagu soo haayo ee heer federaal.

Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa kulanka Golaha Wasiirada warbixin uga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Golaha uga warbixiyay xaaladaha Amniga ee Hirshabeelle.