Lafta-Gareen Oo Furay Kal-Fadhiga 3-Aad Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

12

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta furay kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Maamulkaas, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii hore.

Munaasabadda lagu daah furayay kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa uga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan deegaanada Maamulkiisa iyo shaqooyinka looga baahan yahay inay qabtaan Xildhibaanada.

Sidoo Lafta-gareen ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Baarlamaanka uu dardar-geliyo Hindise Sharciyeedyada u baahan in akhrino la marsiiyo iyo shaqooyinka kale ee u baahan wax la qabto.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe fasax ku maqnaa, kadib markii uu xirmay kal-fadhigii 2-aad ee Golaha, waxaana weli horyaalla Ajendayaal farabadan.