Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo la doortay

4

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa maanta waxaa loo doorray Qareen Mawliid Mataan Salaad, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka guddiga waxaa isku soo taagay afar xubnood oo kala ah Qareen Mawliid Mataan Salaad, Saciid Abshir Cilmi, Faadumo Mahamed Abdilaahi iyo Caasha Abuubakar.

Waxaa tanaasulay dhamaaan xubnihii la tartamayay qareen Mawliid Mataan. Waxa loo qaaday cod gacan taag ah, waxa uuna helay 23 cod.