Kooxda TPLF oo soo bandhigtay maxaabiis ay ka qabsadeen ciidamada Itoobiya

1

Kumannaan maxaabiis oo ka tirsan ciidamada federaalka Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray, iyadoo dadweyne ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo la dhacsan arrintan.

Maxaabiistan ayaa badankood la sheegay inay u hoggaansameen ciidamada TPLF. Qaarkood ayaa la soo qaaday, halka kuwo kalena ay ku duubneyd faashad uu dhiig ku yaallo.

Ciidamada Tigray ayaa dhowaan kuwa dowladda Itoobiya kala wareegay magaalada Maqalle, iyadoo dagaalka gobolka ka dhacay uu saameyn ba’an ku yeeshay bulshada.

Malaayiin qof ayaa ka barakacday gobolka, iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu khudbad uu Talaadadii jeediyay ku sheegay inay been yihiin wararka sheegaya in la jebiyay ciidamada federaalka.