Turkiga oo qeyb-galaya howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

4

Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaaqday in ciidamadeeda ay si rasmi ah uga qeyb-qaadan doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa lagu yeero ‘Argagexisada’.

Wargeyska Daily Sabah oo soo xiganaya madaxtooyadda Turkiga ayaa sheegay in ciidamada ay isu diyaarinayaan sidiia ay uga qeyb qaadan lahaayeen howl-gallada Militery ee ka socda dalalka Soomaaliya, Liibiya, iyo Suuriya.

Sidoo kale Ankara ayaa sheegtay in ay saldhigyo ciidan ka sameysan doonto Bariga Afrika si ay ciidamada howl-gallada uga qaadaan.

Turkiga ayaa hore waxaa Soomaaliya ka joogay saraakiil kooban oo tababar iyo taageero siiya ciidamada xoogga dalka.