Koox hubeysan oo Imaam Masjid iyo walaalkiis ku dilay Baydhabo

9

Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa soo warinaya in koox hubeysan ay xalay toogasho ku dishay Imaam Masjid iyo walaalkiis.

Macalim Cali Bashiir Xasan oo 21 sano mu’adin iyo Imaamba ka ahaa masjid ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa lagu toogtay duleedka Baydhabo.

Marxuum Macalim Cali ayaa maalmo ka hor ka soo laabtay Boosaaso lamana oga sababta loo dilay waxa uuna booqasho ugu yimid ehelkiisa oo halkaas daganaa.

Sidoo kale lama oga sababta loo dilay walaalkiis waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan dilka labadaan qof ee walaalaha ah.

Ilaa hadda hay’adaha amaanka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin dilalkaan oo cabsi badan ku abuuray dadka degaanka. Macalim Cali Bashiir ayaa Imaam ka ahaa masjidka Al-Nawaawi oo ku yaala magaalada Boosaaso waxa uuna caan ka ahaa degaanada Puntland.