Maraykanka oo codsaday in la joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya

7

 War  kasoo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa ugu baaqay dawlada iyo kooxda hubeysan ee TPLF oo ku dagaalamaya waqooyiga dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibbada Maraykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada dhinac miiska wada hadalka iskugu yimaadaan six al looga gaaro colaada taagan.

Sargaalkaan u hadlay Maraykanka waxaa uu ugu baaqay dagaalyahanada jabhadda TPLF iyo ciidamada dawlada inay wadooyinka u furaan gargaarka si loogu gurmado dadka dhibaataysan.

Dhanka kale afhayeenka jabhadda TPLF,ta Getachew Reda, ayaa sheegay inay dagaalka sii wadayaan tan iyo inta gobolkooda maamulanayaan.