Al-shabaab oo duqeyn ku dilay askar ka tirsan ciidamada AMISOM.

8

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shaabab ay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee burundi madaafiic ay ku garaaceen saldhigyo ay ku leeyihiin gobolkaas saacadihii lasoo dhaafay.

Al-shabab ayaa sheegtay in tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyada ay ciidamada burundi ku leeyihiin degmada Mahadaay iyo deegaanka Biya cadde oo hoostaga degmadaas.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegay in duqeyntaas shan askari oo ka tirsan ciidamada  burundi ku dhinteen tiro kalane ay ku dhaawacmeen, islamarkana kuwii uu dhaawaca soo gaaray lagu qaaday diyaarado Elecobtar ah sida ay Al-shabaab war qoraal ah oo ka soo baxay ay ku sheegeen.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM.