Turkiga Oo Taageero Hor Leh U Balan Qaaday Dowladda Federaalka

10

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Talaadada maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Jamhuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz,iyadoo laga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga,isagoo safiirka Turkiga uu qaadanayo door fududeyn ah. Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.