Akhriso:-Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya Oo Lasoo Saaray

9

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ayaa soo saaray Jadwalka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii Shir laba maalin socday ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirkaan oo shalay ka fumay Teendhada Afisyooni ayaa waxaa looga hadlaayay fulinta dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa.

Madaxda ayaa isku raacay in doorashada Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay dhacdo 25-ka bisha July 2021, halka Doorashada Golaha Shacabka la qorsheeyay in la qabto inta u dhexeeysa 15-ka Bisha July ilaa iyo 10-ka August.

Sidoo kale Jadawalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu caddeeyay in Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhaceyso 10-ka Bisha Octoober ee sanadkaan 2021.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashooyinka ee lasoo saaray.

1-Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2-Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3-Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4-Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5-Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6- Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7-Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Go’aankaan kale soo saaray:

Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.