Wasaaradda Ganacsiga oo qabatay aqoon is-weedaarsi ku saabsan xaqiijinta xogaha la xiriira ganacsiga dhoofinta iyo soo dajinta dalka

9

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay Aqoon is-weedaarsi ku saabsan xaqiijinta xogaha la xiriira ganacsiga dhoofinta  iyo soo dajinta.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ganacsiga qaar kamida Wasaaradaha Xukuumada, xubno ka socday Rugta Ganacsiga  iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay furitaanka Aqoon isweedaarsigan oo u jeedkiisa  ahaa xaqiijinta xogaha la xiriira ganacsiga dhoofta  iyo soo dajinta dalka .

Barnaamijka xog-kaydiyaha Ganacsiga kaas oo ganacsatada iyo maalgashatada u fududeyn doona inay ogaadaan xogaha ganacsi ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya  mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo aqoon is-weedaarsiga furay  ayaa sheegay in barnaamijkan yahay shabakad ay ku jiraan xogaha la xariira Ganacsiga sida siyaasadaha ganacsiga, habraacyada shuruucda, dhoofinta, soo-dejinta iyo wax-is-dhaafsiga Ganacsiga kaas oo qeyb-weyn ka qaadanaya dhaq-dhaqaaqa iyo fududeynta Ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha waddanka.

Barnaamijkan oo Wasaaradda uu ka taageeray Bangiga Adduunka iyo hay’adaha IFC, ayaa Agaasimaha Ganacsiga iyo Suuq-geynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Sheekh Cabdullaahi oo isagane sharaxaya xog-keydiyaha Ganacsiga, wuxu sheegay in uu soo maray marxalado kala duwan isla-mar-ahaantaana uu si gaar ah ugu mahadcelinaayo wakiiladii kala duwanaa ee ka kala socday hay’adaha dawladda ee sida hufan uga la shaqeeyey uruurinta xogaha la xariira Ganacsiga Soomaaliya.

Barnaamijka xog-keydiyaha ganacsiga oo ay diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo warsahadaha oo kaashanayso qaar kamida Wasaaradaha dowaladda  ayaa waxaa ku jira  macluumaad badan sida Siyaasadaha ganacsiga, shuruucda dhoofinta, soo-dejinta iyo wax-is-dhaafsiga Ganacsiga kaas oo qeyb-weyn ka ah qaadanaya dhaq-dhaqaaqa iyo fududeynta Ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha wadanka