Madaxweynaha Galmudug oo ka soo degay Muqdisho

3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo madax iyo mas’uuliyiin sare oo heerarka kala duwan leh ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan ka qeybgali doona shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u joogay magaalada Muqdisho.