Muuse Biixi ” Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye “

10

Madaxweynaha soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo jeedinayay khudbad ku aaddan 26 juun ayaa sheegay in meel ka dhac weyn ay ku  tahay dadka soomaaliland in magaalada Muqdisho laga xuso munaasabadda 26ka juun maadaama ay ugaar tahay dadka ku nool gobolada waqooyi.

Waxa uu ayaan darro ku sii tilmaamay dadka kasoo jeeda soomaaliland gaar ahaan siyaasiinta ee Muqdisho ku sugan oo ka sacbinaya munaasabadda 26ka juun.

“Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dawladda Soomaaliya ay dagaal qaawan kusoo qaadday Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland usoo kordha sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Soomaaliland.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Soomaaliloand ka  xayirtay 60 Milyan oo dollar, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland u soo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaarinta dekedda magaalada Berbera taas oo uu dhawaan xarigga ka jaray madaxweyne Muuse Biixi.