Poland oo ciidamadeeda kala baxaysa Afganistan

3

Madaxweynaha Poland, Andere Duda ayaa sheegay inuu ciidamadiisa kala bixi doono Afgaanistaan dhamaadka bisha June.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka, ayaa waxaa uu ku sheegay in howlgal kii ugu weynaa ay kala qeyb qaateen, iyagoo kaashanaya gaashaanbuurta NATO.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalkaasi oo Afgaanistan ka socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, ay ka gaareen guulo la taaban karo.

Ciidamada Shisheeye ee uu ugu horreeyo Mareykanka  ayaa la qorsheenayaa inay Afgaanistan kabaxaan bisha September ee soo socota.