Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya ayaa sheegtay ineysan aqbalayn in dal aan xeeb lahayni uu badda-cas u adeegsado arrimo milatari, xili Addis Ababa ay kor u qaaday doonisteeda ku aadan marin baddeedka badda-cas.
Wasiirka Arrimaha Dibada Masar ayaa sheegay in Qaahira ay ku adkeysanayo in masuuliyada ammniga badda-cas ay saaran tahay oo keliya dalalka xeebaha ku leh baddaas.
“Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in Dal aan badd lahayn uu badda-cas u adeegsado arrimo milatari, dalalka aan badda lahayn waxa keliya ee loo ogolaan karo waa marin ganacsi, hadii ay arrintaas kala heshiiyaan dalalka ay khuseyso.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masaaridu.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Masar iyo Sucuudigu ay ka shaqaynayaan hindise lagu mideynayo dalalka ku teedsan xeebaha badda-cas, si loo xoojiyo Iskaashiga iyo ammniga gobolka.
Hindisahan ayaa la xiriira golle lagu aasaasay magalada Riyadh bishii January 2020, gollahaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carabta iyo Afrikaanka ah ee xeebaha ku leh badda-cas iyo gacanka cadmeed, kuna heshiiyeen sideed Dal oo kala ah Masar, Sucuudiga, Jordan, Suudaan, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Yemen ayaa ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay ay tahay sidii dalalkani ay iskaga kaashan lahaayeen xoojinta ammniga iyo Ilaalinta badda-cas iyo gacanka cadmeed, iyo Horumarinta Iskaashigooda dhaqaale.











