Ciidamada Kenya oo wada howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

10

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegaya in ay ku raadjoogaan xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo weeraro ku geystay gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay qeybo ka mid ah Magaalada Lumu ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Sarkaal u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamada badan ay dowladda Kenya ay geysay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, si looga hortago weerarada Al-shabaab ay ka fuliyaan dalkaasi.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay  in ay ciidamada Kenya ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.