Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho.

9

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay soo dhaweeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta arrimaha doorashadda kaas oo uu icilaamiyey r/wasaare Rooble.

Shirkaas ayaana inta badan waxaa looga hadli doonaa hanaanka doorashada iyo qaabka loo wajahaayo kadib markii ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka gaareen heshiis rasmi ah.

Hore waxaa Muqdisho usoo gaaray Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyadoo saacadaha soo socda la filaayo iney caasimadda dalka soo gaaraan madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug kuwaas oo iyagana ka qeyb gali doona shirkaas.