Madaxweynaha Koofur galbeed oo soo gaaray Muqdisho

10

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkaasi ayaa looga hadlayaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxda kale ee dowlad gobolleedyada ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.