Madaxwayne ku xigeenka Maraykanka oo markii ugu horeesay booqanaya xadka Meksiko.

4

Madaxwayne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa markii ugu horeesay jimcaha soo aadan booqanaysa xadka koonfureed ee uu Maryakanku la wadaago dalka Meksiko.

Kamala Harris ayaa dhanka kale wajahaysa su’aalo ku aadan sababta ay xadkani u booqan waysay tan iyo markii ay xafiiska timid.

Sidoo kale booqashadeedan ayaa kusoo beegmaysa todobaad kadib markii uu madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sheegay in uu booqanayo xadkan 30’ka bishan Juun.

Xadka uu Meksiko lawadaago Maraykanka ayaa ah halka ay kasoo galaan muhaajiriinta ugu badan ee magan galyo doonka ah ee galaya dalka Maraykanka.