Diyaar garowga xuska Maalmaha xoriyadda oo laga dareemayo Muqdisho iyo Gobollada dalka

2

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee lagu maamuusayo todobaadka xoriyadda, kaas oo ay abaabulkeeda leeyihiin Guddi Wasiiro ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha Dalka u magacaabay qaban qaabada xuska Maalmaha xoriyadda oo qiimo weyn ugu fadhisa bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku noolyihiin.

Gobollada dalka waxaa ka socdo si la mid diyaargarowga caawa loogu jiro in lagu weyneeyo markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 26-ka June 1960-kii.

Hadaba halkan waxaan idinkula soo wadaageynaa sawirada lagu muujinayo diyaargarowga xuska maalmaha xoriyadda dalka.