Kooxo hubeysan oo dil ka geystay degmada Yaaqshiid

10

Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Cumar idiris waxaana la dilay xilli sii galayay Masaajid ku yaala Agagaarka Saldhiga Degmada yaaqshiid.

Ninkaan ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid da’ah oo si weyn looga yaqaanay degmada oo ka shaqeeynayay sanadyo badan saldhigeeda.

Waxaa uu ahaa OBI qoraha Saldhiga Degmada Yaaqshiid.