Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya oo sii xoogeystay.

2

Dowladda Masar ayaa waxa ay iskudayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblumaasiyadeed iyo mid milateriba ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Itoobiya ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhisanayo Webiga Nile, ayaa waxaa sidaasi qoray weriyaha BBC-da ee ka faallooda arrimaha Masar Majdi Cabdulhaadi.

Ururka Juquraafi-yahannada Masar, ee la sameeyay 1875, ayaa waxa ay kaydiyeen dikumintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Waxaa dikumintiyadaas ka mid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika.

Ururka juquraafi-yahannada ayaa waxaa lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay, taas oo Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Itoobiya ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876. Arrintaas oo ku soo dhammaatay guuldarro bah-dilaad ah.