Madaxweyne Qoor-Qoor oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada Galmudug

3

Shirka golaha wasiirrada Galmudug oo uu guddoomiyay Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye ayaa looga hadlay dib u eegista iyo wax ka badalka xeer hoosaadka Gollaha wasiirada Galmudug.

Kulankan oo todobaad walba diirada lagu saaro hadba qodobada iyo shuruucda ugu muhiimsan oo qayb uu ka ahaa Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug mudane cali daahir ciid ayaa wasiirka Biyaha iyo Tamarta Galmudug Maxamuud kaarshe looga dhageystay sharaxaad ku saabsan xeerka maareynta biyaha oo dhawaan la dhameystiray diyaarintiisa, muhiimna u ah qorshayaasha maamulka ee baahinta adeegyada biyuhu qaybta ka yihiin oo helidoodu ku adagtahay tiro badan oo ka mid ah dadka reer Galmudug

Sidoo kale Wasiirka beeraha, dhirta iyo daaqa Galmudug Axmednuur Xaaji Cusmaan ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay halka uu marayo mashruuca dhismaha xarunta dhexe ee la dagaalanka ayaxa iyo xadiga ay la egtahay kaalmada laga helay hey’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hormarinta beeraha.

Wasiir cusmaan ayaa fadhiga gollaha ka sheegay in wasaaraddu heysato agab noqonaya kaalmo ilaa xad lagu sii wadi karo howlaha deg degta ah ee wax looga qabanayo ayaxa dhowr jeer oo hore gacan mariyay beeraleyda Galmudug oo sanadkan ku xisaabtamaya wax soo saar ka balaaran xiliyadii hore sida Wasaaraddu shegetay.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaalada hey’addaha amniga ee u diyaar garowga Howlaha doorashada, iyadoo fadhiga gollaha lagu tilmaamey ahmiyada ay leedahay sii labo jibaarida feejignaantaasi