Kenya: “300 dhalinyaro ah ayaa Al-Shabaab ka soo badbaadinay

10

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo badbaadisay 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo ay Alshabaab u qorteen, si ay tababaro ugu siiyaan gudaha Soomaaliya.

Warkan oo ay baahiyeen warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo laga kaxaystay gudaha Kenya, ay Alshabab doonaysay in u adeegsato weerarada ay gudaha Kenya.

Ciidamada Mareykanka ayaa Kenya hadda kala shaqeynaya la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Maraykanka ayaa dhowaan qorsheynaya inuu ciidamo gaar ah usoo diro Kenya si ay ciidamada Kenya ugu tababaraan dagaalada ka dhanka ah waxa loogu yeero Argigixisada.

Gobolka waqooyi Bari iyo gobolada kale xeebta kuyaala ee Kenya ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee Alshabaab ay ka qortaan dhalinyarada, iyagoo u balanqaada in ay shaqooyin siinayaan