Taliye Xijaar oo iyo wafti ka socda booliska caalamiga ah ee INTERPOL oo kulan ku yeeshay Muqdisho

10

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Booliska caalamiga ah ee INTERPOL kuwaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

kulanka ayaa lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Booliska Soomaaliyeed ay la sameynayaan  Interpolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada ciidamada booliska Soomaaliya qeybna ay uga qaadan lahaayeen.

kulankan ayaa sidoo kale waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ah howlaha iyo Iskaashiga Interpol ee dhanka hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu soo hadal qaaday wadashaqeyn iyo iskaashi heer caalami ah oo dhex marta ciidamada booliska Soomliyeed iyo INTERPOL.