Wasiirka wasaaradda Cadaaladda XFS oo sheegay in la furi doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

14

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ahaa wafdi dhawaan gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool oo la socday madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed ayaa ka hadlay xaalada magaalada Waajid ee gobolkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in deegaano ka tirsan gobolka Bakool ay ku jiraan god’oon islamarkaana saddex degmo oo kaliya ay yihiin kuwa xor ah sida uu sheegay wasiirka, saddexdaasna labo kamid ah ay ku jiraan god’oon.

Waxaa uu tilmaamay iney halkaas u tageen iney wax badan ka ogaadaan xaalada guud ee gobolkaas ka jirta oo qeybo kamid ah ay god’oomiyeen AL-shabab ayna kulamo kala duwan la qaateen maamulka degmada iyo bulshada qeybeheeda kala duwan.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkii kala duwanaa ee uu la qaatay kulamada ay kala hadleen saddex arimood oo ay degmadu aad ugu liidato sida, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday iney kala hadleen amniga guud ee gobolka iyo kan degmada oo uu sheegay in aysan haysan wado wax u soo maraan oo ay jareen AL-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka ay la wadaageen in la gubay ku dhawaad saddex kun oo gawaari ah iyo boqollaal bajaaj kuwaas oo degmada u waday adeegyada ay u baahan tahay iyo bulshada ku dhaqanba islamarkaana uu kulan la qaatay ganacsatada deegaanka kuwaas oo u sheegay iney dhibaato weyn ku qabaan wadooyinka ay jarteen al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in madaxweynaha Koonfur galbeed uu bulshada ka balan qaaday in dhawaan la furi doono jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda ka caawin doonto arintaas iyo sidii looga saari lahaa AL-shabaab deegaanada maamulkaas ay xiligan ka joogaan.