Kenya oo ka hadashay weerar ay AL-shabaab ku qaadeen magaalada Mandhera.

3

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamada Kenya, ee ku sugnaa xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyagoona halkaasi ku dilay askar ka tirsan kuwa Kenya halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.

Saraal  u hadlay booliska Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay weerarka waxaa uuna sheegay in weerarka ay iska caabiyeen, islamarkaana ciidankooda uu khasaaro ka soo gaaray weerarkaasi.

Taliyaha Booliska ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya , Rono Bunay ayaa waxaa uu  sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab  ay gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha.

Taliye Bunay ayaa hadalkiisa intaas intaas kusii daray in ciidamada ilaalada Booliska ee dalkaas ay la dagaalameen xubnahaas ka tirsan AL-shabaab ee ka soo gudbay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan AL-shabaab islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday.

Dagaalamyaasha AL-shaabaab ayaa waxa ay maalmo ka hor magaalooyin hoos yimaada magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari  Kenya ku dilen illaa iyo 15 ruux iyagoo weeraro kale ka geystay halkaas.

Dowladda Kenya ayaa xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxa ay soo dhigtay ciidamo dheeraad ah kuwaas oo ilaalinaya xuduuda islamarkaana ay ka hor tagaan weerarda ay AL-shabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas Kenya ayaa inta badan waxaa weeraro kala duwan ka geysta dagaalamayaasha ALshabaab iyadoo sidoo kale  ciidamada amaanka Kenya ay dhowr jeer howlgalo ay sameeyeen ku dileen xubno ka tirsan AL-shabaab.

Sidoo kale AL-shabaab ayaa hore u shaaciyey in ay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliyaan gobalka Waqooyi Bari ee Kenya sidoo kale AL-shaabab ayaa inta badan weeraro ku qaada gaadiidka isaga kala goosha magaaloyinka ka tirsan gobolka Waqooyi Bari kenya.