Madaxda M/goboleedyada oo la filaayo in saacadaha soo aadan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

10

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamul goboleedyada ee kala ah Galmudug, Koofur galbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Puntland.

Madaxdan ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan shir uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan ayaa waxaa la isaga wareysan doonaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan ee ku aadan arrimaha doorashada dalka la filaayo iney dhacdo.

Qorshaha shirka ayaa ah inuu dhaco maalinta sabtiga ah, iyadoona shirka lagu falanqeyn doono sida ugu wanaagsan ay ku dhici karaan doorashooyinka.