Wefdi ka socda dowladda Sweden oo gaaray Hiiraan

1

Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Xubno kale Beesha Calaamka ka socday ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan, halkaasi oo Wafdiga ay si weyn ugu soo dhaweyeen maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaya kala duwan ee Bulshada.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxmed Cumar ceymooy iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Wafdiga ayaa ugu horeeyn kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb kamid ah loo fuliyay halkaas, iyagoo sidokale tagay meelo kale oo  ka mid ah magaalada Baladweyne una baahan in Biyo xireeno laga sameeyo.

Xarunta Maamulka gobalka ayaa waxaa hadda kulan kuleh wafdigan uu horkacayo Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo maamulka intiisa kale, waxaana looga wada hadlaya sida wararka ay sheegayaan sidii loo fulin lahaa dhamaan mashaariicda loogu talo galay magaalada Baladweyne