Dacwado la xiriira doorashadii ka dhacdey Somaliland oo loo gudbiyey maxkamadda sare

8

Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadaha la xidhiidha doorashadii aqalka wakiilada ee dhacday 31-dii Bishii May ee aynu soo dhaafney.

Saddex iyo labaatan dacwadood oo horyaalla maxkamadda, ayaa kuwoodii uggu horreeyey la gudo galey.

Dacwadahan ayaa ah cabashooyin ay soo gudbiyeen murashaxiintii tartanka ka qeyb galey, waxaa dacwadaha uggu badan ay ka yimaadeen dhanka xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Waxaa ku tartamey doorashadan saddex xisbi, oo kala Ucid, Wadani iyo xisbiga xukuumadda talada heysa ee heysa ee Kulmiye.